Arsenal oo Bar-baro kala kulantay kooxda Benefica

Kooxda Arsenal oo caawa la ciyaartay kooxda Benefica ee Dalka Germany ayaa kala kulantay bar-baro 1 iyo 1 kulan ka tirsan Europe League lugtiisa hore.

labada kooxood ayaa qeybta hore ku kala nastay bar-baro goolal la’an ah lakin qeybta danbe ayay Benefica heshay gool rigoore ah Daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta Arsenal ayaana heshay goolka bar-baraha 2 daqiiqo kadib waxana goolka u dhaliyay Bukayo Saka.

guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay bar-baro 1 iyo 1 waxana labada kooxood mar kale ay arkidoonaan 25-ka bishan February.

Arsenal ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta kooxda Manchester City Horyaalka Premier league Maalinta Axada kulankaasi oo ah midka ugu adag isbuucan.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*