Arsenal oo Barcelona la sameesay xiriir ku aadan Memphis Depay

Arsenal ayaa Barcelona kala xiriirtay Memphis Depay .

Gunners ayaa suuqa ugu jirta ugu yaraan hal weeraryahan, ABC ayaa ku warameysa inay haatan ka fikirayaan inay doorkooda koowaad ka dhigaan xiddiga reer Holland.

Depay kaliya waxa uu yimid Nou Camp sanadkii hore, waxaana uu ku bilowday nolol adag LaLiga isagoo dhaliyay sideed gool 14-kii kulan ee ugu horeysay.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu isku arkay inuu kursiga keydka ku sii badanayo tan iyo markii Xavi uu qabtay xilka Catalans, waxaana ay u badan tahay inuu ka mid noqon doono ciyaartoyda ku baxaya suuqa soo socda iyadoo Barca ay dooneyso inay lacag uruursato.

Waa la arki doonaa haddii Depay uu doonayo inuu u dhaqaaqo koox aan awoodin inay ka ciyaarto Champions League.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*