Arsenal oo bedelka Devid Lius ka dhigaysa daafaca England Ben White.

Kooxda ka dhisan magaalada Landon ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay raadinayaan xagaaga u dhaqaaqdo daafaca kooxda Brighton ee Ben White xilli uu tababare Mikel Arteta uu aad u raadinayo Badalka David Luis oo isaga tagay kooxda.

Daafaca dhexe ayaa qaab ciyaareed fiican oo cajiib ah ku jiray isaga oo xitaa lagu daray Liiska xiddigaha xulka qaranka England uga qayb gelaya tartanka Euro 2020 kadib dhaawacii Trent Alexander-Arnold.

Sida laga soo xigtay wargayska The Mirror, Mikel Arteta ayaa taageero weyn u ah daafaca dhexe waxana uu isku dayi doonaa in uu helo saxiixiisa kadib tartanka Euro oo Jimacada furmi doono.

Wargayska Sportsmail ayaa sheegaya in ay kooxda Brighton haatanba kooxaha doonaya saxiixa xiddiga reer England u sheegtay in ay bixiyaan lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixiisa.

 

 

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*