Home Wararka Ciyaaraha Arsenal oo Bukayo Saka u soo bandhigtay heshiis uu ku qaadanayo 200...

Arsenal oo Bukayo Saka u soo bandhigtay heshiis uu ku qaadanayo 200 kun ginni isbuucii.

0

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis la gaartay Bukayo Saka kaas oo uu ku qaadanayo 200,000 oo Gini todobaadkii.

21-sano jirkaan ayaan weli qalinka ku duugin heshiis kordhin afar sano ah oo uu dib u saxiixay 2020, waxaana soo ifbaxaya warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa mustaqbalka fog.

Labada Manchester City iyo Liverpool ayaa la sheegay inay si dhow isha ugu hayaan xaalada qandaraaska Saka ee Arsenal iyagoo doonaya inay u dhaqaaqaan weeraryahanka ka hor inta uusan qandaraaskiisu dhicin 2024.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa weli ah mid ka mid ah magacyada ugu horreeya ee shaxda kooxda ee Mikel Arteta , kaasoo ay ka go’an tahay inuu ku xiro heshiis cusub oo uu ku joogo Emirates.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , dalab ayaa hadda la horgeeyay ardaygan ka qalinjabiyay Kooxda kaas oo jeebka ku shubi doona £ 200k todobaadkii haddii uu qalinka ku duugo shuruudahaas.

Previous articleErik Ten Hag Oo Go’aan Uu Gaadhay Oo Xiddigaha Man United Naxdin Ku Ah U Sheegay Maamulka Kooxdaas
Next articleTababaraha RB Leipzig Oo Ka Hadlay Xiriirka Christopher Nkunku ee Chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here