Arsenal oo dalab ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Eduardo Camavinga

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la sheegay inay diyaarinayso dalab ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Eduardo Camavinga oo ay ku doonayaan amaah illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah, kaas oo aan la xaqiijin xilliga ay dalabkiisa gaadhsiin doonaan

Saacado kaddib markii uu soo baxay warkan, waxa saxaafadda la hadlay wakiilka Eduardo Camavinga oo sida la fahamsan yahay ogolaansho ah inuu jawaabo ka haysta xiddiga reer France, waxaana uu hoos u dhigay hadal-haynta arrintan.

Wakiilka Eduardo Camavinga ayaa waxa uu sheegay, in aanay waxba kala soconin wararka sheegaya in Arsenal ay doonayso kubbad-sameeyahan Real Madrid, isla markaana ay warbaahinta oo kaliya ku arkeen warkan.

Joshua Barnett oo la hadlay wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa wax laga weydiiyey Eduardo Camavinga, waxaana uu ku jawaabay: “Waxba kama jiraan, runna ma aha [warka Eduardo Camavinga ku xidhiidhinaya Arsenal]. Dabcan koox kasta oo dunida ah way jeclaan lahayd isaga, laakiin waxa uu aad ugu faraxsan yahay Real Madrid, kooxdiisa Real Madrid na aad ayay ugu faraxsan tahay Camavinga.”

Arsenal ayaa waxay haysataa toban maalmood oo ka hadhsan waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda oo ay ku qancin karayaan Eduardo Camavinga iyo kooxdiisa Real Madrid, inkasta oo ay adag tahay in Los Blancos ay faraxdo xiddigeedan sababtoo ah dhaawacyada ragaadiyey xiddigaheeda khadka dhexe ee Luka Modric iyo Aurelien Tchouameni.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*