Arsenal oo dalab ka gudbiaay mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dalab ka gudbinaysa mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee Real Madrid ee ay Los Blancos u diyaarsanayso mustaqbalka, kaas oo tababare Mikel Arteta uu doonayo inuu kasoo afduubto oo uu ku xoojiyo safkiisa.

Arsenal oo hoggaanka horyaalka Premier League haysa ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexeedii koowaad ee January oo noqday Leandro Trossard oo ay kala soo wareegeen Brighton & Hove Albion, waxaanay sidoo kale qarka u saaran yihiin difaaca reer Poland ee Jakub Kiwior.

Gunners ayaa doonaysa inay isasii dhisto si ay u xajisan karto hoggaanka horyaalka oo inay ku guuleystaan ay ugu dambaysay 19 sannadood ka hor.

Sida uu ogaaday wargeyska Evening Standard, Arsenal ayaa waxay diyaarisay dalab lama filaan ah oo ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Eduardo Camavinga oo ay ku doonayaan amaah illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah.

20 jirkan oo ay Real Madrid kasoo iibsatay Rennes sannadkii 2021 ayaan boos joogto ah ka haysanin kooxdiisa, waxaanay Gunners isku dayayaan inay kaga faa’iidaystaan arrintaas inkasta oo ay adag tahay in ay Madrid ogolaato inay iska dirto maadaama uu hoos u dhac ku yimid Luka Modric iyo Toni Kroos, halka saxeexoodii cusbaa ee Aurelien Tchouameni uu dhaawac soo gaadhay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*