Arsenal oo dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay garabka Leeds ee Raphinha

Arsenal ayaa dalab ka gudbisay garabka Leeds United Raphinha.

Waxaa la fahamsan yahay inay tahay dalabkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo Leeds ay ka hesho weeraryahanka Brazil, kaasoo dhaliyay 11 gool Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa sheegaya in yabooha uu aad uga hooseeyo qiimeyntooda, waxaana hubaal ah in la diidi doono, sida ay qortay BBC Sport .

25-sano jirkaan oo Leeds kaga soo biiray Rennes 2020, ayaa soo jiitay kooxo badan oo Premier League ah iyo kuwa dibadda ah. Tottenham ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Raphinha, iyadoo wakiiladiisa ay ku soo gaareen England toddobaadkan.

Waxaa la dareemaya inuu doorbidayo inuu ku biiro Barcelona haddii rajada laga qabo ay hirgasho, laakiin lama oga in kooxda reer Spain ay dhaqaale u heli doonto inay heshiis ku sameyso.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*