Arsenal oo dharbaaxo weyn kala kulantay baacsigii ay ugu jirtay 20-jirka qadka dhexe uga ciyaara Salzburg

Photo/Getty image

Halyeeyga kooxda Lothar Matthaus ayaa shaaca ka qaaday in Bayern Munich ay u badan tahay inay u dhaqaaqdo kubadsameeyaha Red Bull Salzburg Dominik Szoboszlai.

Bandhigyadii Szoboszlai ee Hungary iyo Salzburg 18-kii bilood ee la soo dhaafay ayaa ka dhigay isaga mid ka mid ah dhalinyarada ugu fiican Yurub.

Inkasta loo arko kooxda RB Leipzig inay yihiin kuwa ugu cadcad 20 jirkaan hadana Arsenal, Real Madrid iyo AC Milan ayaa sidoo kale isha ku haya xaaladiisa.

Sida laga soo xigtay Matthaus, kooxda heysata horyaalka Jarmalka ayaa dhawaan ku biiri doonta liiskaas kooxaha isbarbardhiga u sameeyay kubadsameeyaha iyo saxiixa lacagta badan ee Blues Kai Havertz.

Szoboszlai ayaa in ka yar 18 bilood uga hartay qandaraaskiisa haatan ee Salzburg labada koox ee Arsenal iyo Bayern Munich ayaana macquul ah inuu aado.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*