Home Wararka Ciyaaraha Arsenal oo dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka...

Arsenal oo dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Arthur Melo

0

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo celisay xiisihii ay u qabtay saxiixa Arthur Melo kaas oo ay kala soo wareegayaan kooxda Juventus

Arthur ayaa ku dhibtoonayay inuu ciyaaro tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda reer Talyaani 2020, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku soo bilowday kaliya 24 kulan oo horyaalka ah labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

Inkastoo uu seddex sano uga haray qandaraaskiisa haatan, Arthur ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Turin.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fikirtay inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Brazil bishii Janaayo, laakiin wareejintaasi ayaanan dhicin.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Football London , Gunners ayaa qarka u saaran inay dib u soo nooleeyaan xiisahooda Arthur si ay awood ugu kordhiyaan khadkooda dhexe ka hor xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Previous articleChelsea oo dalab 40 milyan ginni ah ka gudbisay Presnel Kimpembe
Next articleKooxda Atletico Madrid oo Noqotay kooxda ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Manchester United ee Cristiano Ronaldo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here