Arsenal oo diyaarisay dalabkii seddexaad ee daafaca Lisandro Martinez

Arsenal ayaa dalab kale u gudbisay Ajax si ay u hesho daafaca reer Argentina Lisandro Martinez .

Gunners waxaa ka go’an inay ku garaacaan Manchester United oo safka ku jirta si ay u xaqiijiyaan saxiixa daafaca.

Martinez waxa uu ka ciyaari karaa daafaca dhexe, halka uu sidoo kale ku raaxaysto daafaca bidix iyo khadka dhexe ee daafaca.

Sida laga soo xigtay The Sun , Arsenal ayaa soo bandhigtay dalabkii seddexaad ee Martinez, iyadoo rajeyneysa in Ajax ay aqbali doonto.

Dalabkoodii labaad ayaa ahaa lacag dhan £34 milyan, taasoo la diiday.

United, oo uu maamulo tabarihii hore ee Ajax Erik ten Hag , ayaan wali soo bandhigin dalab rasmi ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*