Arsenal ayaa u muuqata mid isku diyaarinaysa inay suuqa kaga aarsato kooxda ay London wada degaan ee Chelsea oo kaga guuleysatay saxeexa Mykhailo Mudryk oo ay mudo dheer ka doonayeen Shakhtar Donestk.
Mudryk ayaa la filayay inuu ka dego Emirates Stadium balse waxa riyadaas oo dhan kala kiciyay mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly oo lacag 100 Milyan oo euro ah ka bixiyay saxeexiisa isagana mushahar badan kusoo jiitay.
Si kastaba, qorshaha aargoosiga Arsenal ayaa bilaabmay waxayna bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa xagaaga ka dhigteen khadka dhexe ee West Ham United ee Declan Rice oo mudo lala xidhiidhin jiray Chelsea.
Wargeyska The Times oo ah midka xogtan baahiyay ayaa sheegaya in Gunners ay qabaan kalsoonida ah inay saxeexiisa ku garaaci karaan Blues.
Heshiiska Rice ee Hammers ayaa ah mid dhacaya xagaaga 2024 wuxuuna diiday dalabaad badan oo ay kooxdu heshiis kordhin kaga doonaysay.
Si kastaba, sida ay kusoo muujiyeen heshiisyada Joao Felix iyo Mudryk, Arsenal lacag xad-dhaaf ah kama bixin doonto Rice.
Mid kamida waxyaabaha Arsenal ka caawinaya saxeexa Rice ayaa ah inay Champions League wadadii ay ugu soo bixi lahayd xilli ciyaareedka dambe hayso halka Chelsea ay haatan aad uga fogtahay.