Arsenal iyo Man Utd ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqeen dhanka La Liga gaar ahaan kooxda Villarreal, waxa ay doonaya daafaca adag Pau Torres laakiin kooxdiisa waxa ay ku iibin kartaa oo kaliya qiima aduun oo gaaraya ilaa € 50m (£ 45m).
Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay kooxo dhowr ah oo xiiseynaya inay la soo wareegaan 23 jirkaan daafaca ah oo ay wehliyaan, waxaana sidookale raadinaa kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Spain Real Madrid iyo Barcelona.
Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Los Blancos ay tahay kooxda ugu cadcad helitaanka adeega Torres, si kastaba ha ahaatee, Arsenal iyo Man Utd ayaa sidoo kale wali raadinaya soo xerogalinta 23 jirkaan.
Si kastaba ha noqotee, waxaa lagu soo waramayaa in Villarreal aysan dooneynin inay fasaxdo xiddiga reer Spain ilaa iyo inta qandaraaskiisa lagu burburin karo.
Taasi waxay la micno tahay inay Arsenal ka dhigeyso daafaca dhexe saxiixiisa afaraad ee ugu qaalisan, iyadoo horay lacag badan ugu soo iibsatay xidigaha kala ah Thomas Partey, Nicolas Pepe iyo Alexandre Lacazette.
Los Blancos ayaa la sheegayaa inay Villarreal u soo bandhigtay ciyaaryahan iyo lacag kaash ah oo ay ku iibiso Torres, si kastaba ha noqotee, Yellow Submarine ayaan dooneynin inay aqbalaan wax heshiis isweydaarsi ah.
Manchester United ayaa raadineysa bedelka Eric Bailly kaasoo ay u badan tahay inuu ka tagayo Old Trafford ka hor xilli ciyaareedka soo socda, Torres ayaana umuuqda inuu hordhac u ah xidigaha suuqa kala iibsiga markii oo furi lasoo wareegi doonto inkastoo ay Arsenal tahay naadiga ugu cad cad xidiga.