Home Warar Ciyaaraha Maanta Arsenal oo garaacday kooxda Wolves kulan ka tirsanaa premier League

Arsenal oo garaacday kooxda Wolves kulan ka tirsanaa premier League

0

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Wolves kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Emirates.

Gunners ayaa ku bilaabatay guul muhiim ah iyada oo Muujisay In ay diyaar u tahay tartanka premier League.

Kooxda Mikel Arteta ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn.

Arsenal ayaa Wolves ku qasabtay in ay samayso badbaadino cajiib ah iyaga oo si joogto ah u samaynayay fursadaha.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 25-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal ahayd kooxda fiican kaan awooda badan Wolves.

Qaybtii dambe ayay Gunners ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo samaynayay fursado aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 74-aad ayay Arsenald dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guul muhiim ah horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here