Arsenal oo garaacday Leeds United Horyaalka Premier league

Kooxda Arsenal ayaa guul ka gaartay Kooxda Leeds United Kulan ka tirsan Horyaalka Premier league oo lagu ciyaaray garoonkeeda kuna soo dhamaaday 4-2.

Goolasha Arsenal waxaa ka caawiyay P. Aubameyang oo dhaliyay 3 Gool Daqiiqadihii 13-aad 41-aad iyo 47-aad ee ciyaarta Halka Goolka afaraad uu dhaliyay Hector Bellerin Daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta.

Goolasha Leeds United oo yimid qeybta danbe waxaa u dhaliyay Pascal Struijk iyo Helder Daqiiqadihii 58-aad iyo 69-aad ee ciyaarta.

Guusha Arsenal ayaa ka dhigan in ay soo gasho Booska 10 aad iyagoo leh 34 dhibcood.

Maxaa Xiga

Arsenal ayaa la ciyaaridoonta kulankeeda Kooxda Benfica Kulan ka tirsan Europe League wareegiisa 32 aad.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*