Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mikel Arteta Kadib Guuldaradii Burnley

Maamulka Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaadheen mustaqbalka tababare Mikel Arteta kadib guuldaradii kooxda ka soo gaadhay Burnley Axadii.

Mikel Arteta ayuu cadaadis xoogan saaranyahay kadib markii kooxda Arsenal la kulantay guuldaro kale oo niyad jab leh Axadii kulan ka tirsanaa premier League.

Gunners ayaa markii 4-aad oo xidhiidh ah lagu garaacay garoonka Emirates iyaga oo laga badiyay 7 ka mid ah 12-ka kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen horyaalka Premier League.

Laakiin Natiijooyinka xun ee kooxdu heshay kulamadii ugu dambeeyay ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax saamayn ah ku yeelan doonin mustaqbalka tabaabraha.

Wargayska Football London ayaa sheegaya in mikiilaha kooxda Arsenal iyo maamulka kooxduba wali garab taagan yihiin Mikel Arteta.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*