
Mikel Arteta ayaa muran badan ka dhaliyay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal kadib markii uu qirtay in uu isaga tagi doono kooxda Arsenal.
Arteta ayaa si fiican ku bilowday xirfadiisa tababaranimo ee Arsenal isaga oo laba koob kula guulaystay kooxda laakiin Gunners ayaa xilli ciyaareed xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.
Arintaas ayaa shaki weyn galisay mustaqbalka tababaraha ee kooxda Arsenal isaga oo sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Arsenal.
“Waan ogahay in aan isaga tagi doono kooxda kadib markii aan go’aansaday in aan tababare u noqdo kooxda Arsenal”ayuu yidhi.
Laakiin wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ayna maamulka Arsenal wax niyad ah u hayn in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha wakhti dhaw waliba tababare Arteta sii hogaamin doono kooxda.
Be the first to comment