Home Warka Xiisaha Leh Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Saxeexa Bilaashka Ah Ee Marco Asensio

Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Saxeexa Bilaashka Ah Ee Marco Asensio

0

Kooxda kubadda cagta Arsenal oo ku jirtay naadiyada lala xidhiidhinayo xiddiga Real Madrid sida xorta ah uga tegaya ee Marco Asensio oo beddel u noqon lahaa Bukayo Saka ama boosaska khadka dhexe ee weerarka raacsan, ayaa go’aan ka gadhay saxeexa laacibkan.

Asensio oo 285 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid u dhaliyey 61 gool iyo 32 kale oo uu caawiye ka noqday ayaa xilli ciyaareedakni uu u ahaa mid wanaagsan oo uu dheelay 50 ciyaarood oo uu dhaliyey 12 gool iyo siddeed caawimood.

Real Madrid oo ku dedaalaysay inay sii haysato ayuu ka diiday laba dalab oo ay u bandhigtay, waxaana uu doortay in uu tago naadi kale oo uu fursad fiican ka helayo.

Laakiin Arsenal oo ku jirtay kooxaha danaynayay ayaa uga leexatay laaicbka da’da yar ee reer Brazil ee Matheus Franco oo ah 19 jir ka ciyaara weerarka oo ka tirsan Flamengo.

26 ciyaarood oo uu Franco u saftay Flamenco ayaa waxa uu u dhaliyey saddex gool xilli ciyaareedkan, waxaana uu mikel Arteta doorbiday in uu la saxeexdo da’yarkan oo uu safkiisa kusoo xoojiyo halkii uu Emirates Stadium ka keeni lahaa Marco Asensio oo ka mid ah ciyaartoyda ugu khibradda badan tartanka Champions League oo lixdii sannadood ee ay Gunners ka maqnayd uu saddex jeer la qaaday Real Madrid.

Maamulka Arsenal ayaa ay wali ka dhax socotaa doodda Franca iyo Asensio, waxaana sida y warbaahintu sheegayso xooggan oo aad ay kooxdu ugu janjeedhaa dhinaca Franca, taas oo Marco Asensio kusii riixi doonta Paris Saint-Germain oo ah koooxda ugu cadcad, laakiin ay kula tartamayaan Manchester United, Aston Villa iyo Tottenham.

Previous articleWAR RASMI AH: Xiddigii Sannadka Ee Horyaalka Bundesliga Ee Xilli-ciyaareedka 2022/23 Oo Lagu Dhawaaqay
Next articleArsenal Oo Godkeeda Biyo Ugu Galeen & Kooxda Weyn Ee Saxeexa Rice Kula Tartamaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here