Arsenal oo guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Fulham Hogaanka Premier League-gana dib ula wareegtay

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, kaddib markii ay guul soo laabasho ah ka gaadhay Fulham oo marti ugu ahayd Emirates Stadium oo ay kaga adkaadeen 2-1.

Laba gool oo ay qaybtii dambe u kala dhaliyeen Martin Odegaard iyo Gabriel Magalhaes ayaa Arsenal siiyey saddex dhibcood oo ay mar kale ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League oo maanta ay si ku-meelgaadh ah ula sii wareegtay Manchester City.

Difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo is-ceebeeyey bilowga qaybta hore ee ciyaarta ayaa dhamaadkii loo aqoonsaday geesiga, kaddib markii uu saxay qalad xun oo uu sameeyey.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay hoggaanka u hayso horyaalka Premier League kulankii labaad oo xidhiidh ah waxaanay haysataa 12 dhibcood oo ay ka heshay afar kulan, halka Man City oo maanta si ku-meelgaadh ah ula sii wareegtayna ay haysato 10 dhibcood oo ay kaalinta labaad fadhido.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*