Home Wararka Ciyaaraha Arsenal oo guul ay u dagaalantay ka gaartay kooxda Everton

Arsenal oo guul ay u dagaalantay ka gaartay kooxda Everton

0

Arsenal ayaa guul ay u dagaalantay ka gaartay kooxda Everton oo marti loo ahaa iyagoo ku dubtay gool iyo waxba.

Gool uu dhaliyay qeybtii labaad Trossard ayay Arsenal ku garaacday Everton oo ku jirta boosaska lagu haro islamarkaana ku soo tashatay kubad difaacasho.

Tababare Mikel Arteta ayaa labo bedel ku sameeyay dhaxdiisa isagoo markii ugu horeysay ku soo bilaabay goolhaye David Raya islamarkaana Aaron Ramsdale loo dhaadhiciyay kursiga keydka halka Vieira uu booska kala baxay Kai Havertz.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid adag iyadoo Everton ay difaacasho ka xiratay kooxda Gunners oo u cabooneyd inay hogaanka qabato.

Gunners ayaa mooday inay hogaanka u qabteen ciyaarta daqiiqadii 19aad markii Martinelli uu shabaqa soo taabtay laakiin goolkiisa waa la diiday oo VAR ayaa tilmaamtay inuu offside ahaa.

Laakiin diidmadaas kaliya niyadjab kuma aheyn Gunners, Martinelli ayaa ku dhaawacmay dabaaldega goolkii la diiday waxayna keentay in lagu bedelo Trossard.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Gunners ayaa qeybtii labaad ku bilaabatay dardartii qeybtii hore iyadoo cadaadis xoogan saaray kooxda Everton oo ku soo tashatay kulankaan inay shabaqa ka ilaashato kaliya Gunners.

Ugu danbeyn Arsenal ayaase jabisay darbigii Everton daqiiqadii 69aad. Koorno si fiican jaanta la iskula helay ayay Arsenal goolka guusha ku dhalisay, iyadoo Bukayo Saka uu kubad u qaaday xiddiga bedelka ku soo galay Trossard oo shabaqa ku hubsaday.

Waxay aheyd darbadii 11aad ee ay Arsenal ku tuurto goolka Everton ugu danbeyna shabqa ayay ku nasatay.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay goolkaas iyadoo Gunners ay 1-0 ku garaacday Everton oo aan wax guul ah gaarin xilli ciyaareedkan islamarkaana hal dhibic kaliya ka heysata shan kulan oo ay ciyaareen.

Gunners waxay soo gashay kaalinta afaraad iyagoo 13 dhibcood la wadaaga kooxaha kaalimaha labaad iyo seddexaad ee Tottenham iyo Liverpool.

Previous articleJurgen Klopp oo qirtay in xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister inay neef weyni ka soo fuqday
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 18-ka September

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here