Arsenal oo guul ka gaartay kooxda Crystal Palace, iyo Kulamada kale ee laga ciyaaray Horyaalka

kooxda Arsenal ayaa booqasho ugu tagtay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo ku soo dhamaaday 1-3.

Arsenal ayaa guusha kulankan ugu mahadcelineyso Xidigaha Nicolas Pepe iyo Gabriel Martinelli iyadoo Gunners ay ku jirto kaalinta 9aad ee horyaalka.

Sharaxaada kulankan.

Daqiiqadii 35aad ee ciyaarta ayay Gunners u suura gashay qabashada hogaanka iyadoo xidiga Nicolas Pepe uu hogaanka u dhiibay kadib caawin uu ka helay Kieran Tierney, Waxaa isla qeybta hore Arsenal heshay fursado muhiim ah inkastoo ay qeybta hore ku soo dhamaatay 0-1.

Xidiga Christian Benteke ayaana qeybta danbe daqiiqadii 62aad u keenay goolka bar-baraha kooxdiisa Crystal Palace lakin wixiii intaasi ka danbeeyay waxaa guud ahaan ciyaarta la wareegtay kooxda Arsenal.

ciyaarta ayaa u muuqatay mid ku dhamaaaneysa bar-baro lakin waqtiga dheeriga ee lagu daray ayay Gunners u suura gashay in ay hesho labo gool oo deg deg ah waxana ka caawiyay Gabriel Martinelli iyo Nicolas Pepe guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaagtay 1-3.

dhanka kale kooxda tottenham ayaa guul daro kala kulantay kooxda Aston Villa xili lagu ciyaarayay goroonkeeda waxana la arkayay xidiga Harry Kane oo macsalaameenaya kooxdiisa madama uu qorsheenayo in uu kooxa ka tago.

Kulamada la ciyaaray guud ahaan

Everton 10 Wolverhampton Wanderers

Newcastle United 10 Sheffield United

Tottenham Hotspur 12 Aston Villa

Crystal Palace 13 Arsenal

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*