Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hoggaanka horyaalka Premeir League sii dheeraysataya, kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen toban ciyaartoy oo Tottenham ah oo ay dhex jiid-jiideen Emirates Stadium, kulan ay xiddigaha Arsenal soo bandhigeen ciyaar tayadeedu sarrayso oo ay muujiyeen in ay u qalmaan in ay hoggaanka kali ku ahaadaan.
Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Thomas Partey Daqiiqadii 20aad , Gabriel Jesus Daqiiqadii 49aad iyo Granit Xhaka oo goolka Saddexaad ku daray Daqiiqadii 67aad taasi oo Arsenal siisay guul weyn oo ay ka gaadheen kooxda ay isku xaaafadda yihiin ee uu xafiiltanka badan ka dhexeeyo.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay haysato 21 dhibcood oo ay hoggaanka kali ku tahay, waxaana labaad fadhida Manchester City oo 17 dhibcood haysata berrina la ciaari doonta Manchester United, halka Tottenham ay iyaduna 17 dhibcood ku haysato kaalinta saddexaad.
Subs: Tierney, Holding, Matt Turner, Tomiyasu, Nelson, Nketiah, Albert Sambi Lokonga, Fábio Vieira, Marquinhos
Tottenham XI: Lloris, Perisic, Son, Kane, Hojbjerg, Lenglet, Dier, Bentancur, Richarlison, Romero, Aparecido
Subs: Fraser Forster, Doherty, Sanchez, Bissouma, Sessegnon, Skipp, Gil, D. Spence, Pape Matar Sarr