Home Warar Ciyaaraha Maanta Arsenal oo heshay war wanaagsan oo ku saabsan taam ahaanshaha daafaca Riccardo...

Arsenal oo heshay war wanaagsan oo ku saabsan taam ahaanshaha daafaca Riccardo Calafiori.

0

Arsenal ayaa u muuqata in ay heshay war wanaagsan oo ku saabsan taam ahaanshaha daafaca Riccardo Calafiori.

Intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, Gunners ayaa bixisay adduun dhan 42 milyan si ay ula soo saxiixato Xiddiga.

22-sano jirkaan ayaan weli kusoo bilaaban kulan Premier League ah, laakiin waxa uu badal ku soo galay kulamadii Aston Villa iyo Brighton & Hove Albion.

Si kastaba ha ahaatee, Calafiori ayaa ku bilowday kulankii uu xulkiisa Italy 3/1 kaga badiyay France tartanka Nations Legaue.

Xiddiga ayaan dhamaysan ciyaarta waxana dhaawac looga saaray daqiiqadii 71-aad ee qaybta dambe.

Si kasta ha ahaatee tababaraha Xulka Italy ee Spalletti ayaa sheegay in aanu dhaawacu ahayn mid halis ah.

“Waan qiimayn doonaa Calafiori laakiin waxa jirta fursad fiican oo uuku ciyaari doono kulankeena xiga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here