Home Warar Ciyaaraha Maanta Arsenal oo heshiis shaqsi ah la gaartay bartilmaameed sare oo khadka dhexe...

Arsenal oo heshiis shaqsi ah la gaartay bartilmaameed sare oo khadka dhexe ah

0

Kooxda Arsenal ayaa ku guda jirta dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Sociedad ee Mikel Merino kaas oo ay ku qaadanayso 25 milyan oo gini.

28-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Spain, kaasoo ka caawiyay inay La Roja ku guuleysato koobkii Euro 2024 ee Germany horaantii xagaagan, ayaa u muuqda inuu noqon doono ciyaaryahankii labaad ee heer sare ah oo Arsenal ay ka hesho suuqa ka dib markii uu 42 milyan ginni ku heshay daafaca Bologna Riccardo Calafiori. Ka dib markii ay dhidibbada u taageen heshiis dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ay la yeesheen wakiillada ciyaaryahanka,

Gunners ayaa haatan soo gudbisay soo jeedin afka ah oo ku kacaya 25 milyan ginni oo lagu daray gunooyin ay ku iibineyso Maestro Merino, kaasoo hadda galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa haatan.

ilo wareedyo ayaa soo jeedinaya in dalabka Arsenal loo arko mid la aqbali karo – xitaa haddii wadarta heshiiska aan weli la gaarin. Qodobada shaqsiga ah ayaa waxaa horay ugu heshiiyay Gunners iyo Merino, kaasoo sidoo kale xiiso ka helay kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here