Home Horyaalka England Arsenal oo hogaanka u haysa loolanka loogu jiro Mikel Merino

Arsenal oo hogaanka u haysa loolanka loogu jiro Mikel Merino

0

Arsenal ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino, iyadoo kubadsameeyaha Real Sociedad uu doonayo inuu boxo bisha soo socota.

Merino ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga soo aadan, laakiin La Real ayaa isku dayi doonta inay iska iibiso sanadkan.

Sida laga soo xigtay Matteo Moretto, oo u waramaya Fabrizio Romano’s Daily Briefing, Arsenal ayaa hadda ka sareysa Barcelona iyo Atletico Madrid tartanka Merino, ka dib xiriir cusub oo Basque ah usbuucan.

Real Sociedad ayaa ka quusatay rajadii ay ku ceshan lahayd, waxaana ay raadin doontaa heshiiska ugu fiican. Iyadoo Barcelona ay diiradda saarayso arrimo kale haatan.

Arsenal ayaana xor u ah inay u dhaqaaqdo ka dib markii ay heshay Riccardo Calafiori, Moretto ayaa xusay inuu waqtigiisa ku qaadan doono go’aan, isla markaana uu sugi doono si uu u arko dookhyada miiska saaran ka hor inta uusan mid qaadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here