Kooxda weyn ee Premier League, Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsadeen daafaca Villarreal Pau Torres inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.
Mikel Arteta ayaa isha ku haya inuu sii xoojiyo dooqyadiisa daafaca ka dib markii xagaagii uu yimid daafaca tayada leh Gabriel Magalhaes, iyadoo qaar ka mid ah daafacyadiisa dhexe ee haatan ay u muuqato inay dheeri ku yihiin kooxda.
Sida Sokratis Papastathopoulos. Calum Chambers iyo Shkodran Mustafi ayaa dhamaantood lagu xamanayay inay baxayaan, halka Arteta uu sidoo kale raadinayo casriyeyn lagu sameeyo Rob Holding.
Shabakada reer Spain ee Todofichajes ayaa sheeganeysa in Gunners ay u calaamadsatay Torres bartilmaameedka ugu macquulsan marka suuqa kala iibsiga dib loo furi doono xilliga qaboobaha.
Si kastaba ha noqotee, waxay tartan adag kala kulmi karaan adeegiisa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United, kuwaasoo weli suuqa ugu jira daafac laftiisa ka dib markii ay 11 gool dhaliyeen seddexdii kulan ee furitaanka horyaalka heerka koowaad ee England