Home Wararka Ciyaaraha Arsenal oo isha ku Heysa wadahadalada heshiis kordhinta ee Zaniolo ee Roma

Arsenal oo isha ku Heysa wadahadalada heshiis kordhinta ee Zaniolo ee Roma

0
Ad

Arsenal ayaa lala xiriirinayaa inay xagaaga u dhaqaaqdo xiddiga Roma Nicolo Zaniolo.

Gunners ayaa isha ku haysa in ay sii wadato dhismaha kooxdeeda da’da yar ee uu hogaamiyo tababare Mikel Arteta.

Ad

Saxafiga Talyaaniga ee Ciro Venerato, ayaa Sheegaya in Xidiga Zaniolo uu Caawin ka helay tababare Jose Mourinho marka ay timaado Kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu heystaa qandaraas dhacaya 2024, wuxuuna doonayaa in kor loo qaado heshiiska iyo Lacagta.

Waxa uu doonayaa €4 million (£3.5m) sannadkii, halka Roma ay kaliya diyaar u tahay inay bixiso €3.5 million (£3.1m).

Haddii uu go’aansado inuusan dib u cusbooneysiin dhamaadka xilli ciyaareedkan, Roma ayaa ku iibin doonta qiimo dhimis si ay uga fogaato inay si bilaash ah ku weyso hal sano gudaheed.

Arsenal ayaa soo gali karta sawirka, maadaama Zaniolo uu ku haboon yahay miisaaniyadooda.

Previous articleBarcelona oo Dhexda kasoo gashay Tartanka Manchester United iyo Arsenal ee Xidiga Tielemans
Next articleChelsea oo Mar Kale Garaacday AC Milan Hogaankana u qabatay Group-ka E

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here