Home Wararka Ciyaaraha Maanta Arsenal oo ka badisay Newcastle United Xili Pierre-Emerick Aubameyang uu dib boorka...

Arsenal oo ka badisay Newcastle United Xili Pierre-Emerick Aubameyang uu dib boorka iskaga jafay

0

Kooxda Arsenal ayaa markale sii wadata guulaheeda muhiimka ah iyo kubadeeda wanaagsaneyd kadib markii ay guuldaro dhabarka u saarisay Newcastle United.

Xidigaha Gunners ayaana 3-0 uga badisay kooxda Newcastle United kulan ka tirsanaa Horyaalka Ingariiska.

Qeybta hore ee Ciyaarta ayaa lagu kala nastay goolal la’an lakin isku imaatinka qeybta danbe Shan Daqiiqo kadib waxaa Shabaqa soo taabtay Pierre-Emerick Aubameyang ka hor inta uusan Saka dhalinin gool labaad Daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta isagoo dhameestiray kubad banaanka loo soo dhigay.

Xidigaha Pierre-Emerick Aubameyang ayaana Hogaanka u dheereeyay Arsenal Daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhaaday 3-0.

Guusha Gunners ee Caawa ayaa ka caawineysa in ay soo galaan booska 10-aad ee horyaalka waxana kulankii uu Arteta ku sheegay midka cadeen kara rajada Arsenal.

Maxaa Xiga

Kooxda Arsenal ayaa kulankeeda xiga Ciyaaridoonta FA Cup-ka iyadoo booqaneysa kooxda TBD

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here