Home Warar Ciyaaraha Maanta Arsenal Oo kabaha La Dulmartay Tottenham.

Arsenal Oo kabaha La Dulmartay Tottenham.

0

Kooxda Arsenal ayaa gaadhay guul muhiim ah iyaga oo ka badiyay kooxda ay xafiiltamaan ee ee Tottenham kulan ka tirsanaa premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid aan muujin xaqiiqada marka la eego sida ay ku dhamaatay ciyaartu.

Tottenham ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa Arsenal oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay.

Kooxda Tottenham ayaa si joogto ah u samaynaysay fursadaha xilli ay Arsenal adeegsanaysay weeraro rogaal celis ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay Tottenham samaysay fursado waali ah.

Kooxda Tottenham ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ku dhaliso goolal ay ciyaarta wax kaga badasho.

Laakiin Arsenal ayaa daqiiqadii 64-aad dhalisay goolka waxana u dhaliyay daafaca Gabriel.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal ku badisay gool dirqi ah inkasta oo laga fiicnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here