Iyagoo isha ku haya ku guuleysiga Premier League markoodii ugu horreysay tan iyo 2004 ayuu haddana tababare Mikel Arteta qorshayaal u dajiyay suuqa xagaaga soo socda isagoo doonaya ugu yaraan afar saxeex.
Arteta ayaa doonaya inuu soo xoojiyo safkiisa Arsenal gaar ahaan inay Champions League ku laabanayaan waxaana la filayaa inay ugu yaraan hal khad dhexe kooxdaasi la wareegto.
Arsenal ayaa suuqii January doonaysay xiddiga Brighton ee Moises Caicedo balse dalabaad dhawr ah oo ay ka geeyeen ayaa laga soo diiday.
Rice ayaa ku dhawaad la hubaa inuu xagaaga ka tagi doono West Ham maadaama oo uu diiday dalabaad badan oo heshiis kordhin ay Hammers usoo bandhigeen.
Rice ayaa xiiso ka helaya kooxaha Premier League ee Man United, Chelsea iyo Man City oo u dambaysay laakiin Arsenal ayaa aaminsan in xidhiidhka ka dhaxeeya Declan iyo Jack Wilshere uu caawin karo sida lagu sheegay wargeyska Daily Mail.
Wilshere iyo Rice ayaa jaar soo ahaa mudo dheer iyadoo Wilshere sidoo kale wakhti waayihiisa ciyaareed ah ku qaatay West Ham walina xidhiidh wanaagsani kala dhaxeeyo kabtanka haatan ee kooxdaas.