
Arsenal ayaa ku biirtay kooxaha ay xifaaltamaan ee Tottenham iyo Manchester United dagaalka suuqa kala iibsiga ee xiddiga AC Milan Franck Kessie.
Sidaa waxaa qortay Daily Mirror , oo ku warameysa in Gunners-ka ay galidoonto dagaalka kooxaha ay xafiiltamaan si ay ugu guuleysato saxiixa Kessie.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa heshiis hordhac ah la gali kara laga bilaabo Janaayo 1, taasoo ka dhigeysa mid soo afjareysa waayihiisa kooxda
24-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa kooxda Serie A wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, waxaana xiiso ka helaya kooxo badan oo Yurub ah.
Be the first to comment