Arsenal oo ku biirtay dagaalka loogu jiro garabka Leeds ee Raphinha

Arsenal ayaa kusoo biirtay dagaalka loogu jiro garabka Leeds ee Raphinha.

Raphinha ayaa doonaya inuu ku biiro Barcelona .

Laakiin Telegraph ayaa sheegtay in Gunners ay liiska ku darsatay iyadoo dhibaatada dhaqaale ee Barcelona ay suurtogal tahay inay albaabka u furto kooxda Mikel Arteta .

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil, kaasoo ka ciyaari kara labada garab ayaa xagaagan u dhaqaaqi kara Barca.

Dhanka Arsenal , Raphinha ayaa laga yaabaa inuu kusoo kordhiyo kooxda awood dheeraad ah isagoo kula biiraya sida Gabriel Magalhaes iyo Gabriel Martinelli ee waqooyiga London.

Leeds ayaa raadineysa 60 milyan ginni si ay u iibiso weeraryahanka xagaagan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*