Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaacisay in heshiis cusub oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxdeedan uu saxeexay xiddiga da’da yar ee reer England ee Bukayo Saka oo ogolaaday inuu cimrigiisa ciyaareed u hibeeyo.
Bukayo Saka ayaa dhegaha ka furaystay kooxo waaweyn oo u gacan-haadinaya waxaana uu go’aansaday in kordhiyo qandaraaskiisii hore oo ku eka dhamadka xilli ciyaareedka dambe.
Mikel Arteta iyo Edu oo garbaha ka fadhiya ayuu Bukayo Saka saxeexay heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo lagu kordhinayo qandaraaskiisa hore, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Arsenal ay dammaanad u haysato laacibkan illaa laga gaadhayo sannadka 2026.
21 jirkan ;oo xilli ciyaareedkan 13 gool u dhaliyey 37 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu u saftay Arsenal, kuna daray 11 kale oo uu caawiye ka noqday, ayaa waxa la sheegay in mushaharkiisa si weyn sare loogu qaadayo.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Bukayo Saka uu toddobaadkii mushahar uga qaadan doono Arsenal lacag gaadhaysa £300,000 Gini, waxaana uu isdaas ku noqonayaa ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxdiisa.
Markii uu heshiiska saxeexay ayuu Saka la hadlay saxaafadda, waxaanu ydhi: “Run ahaantii waan ku faraxsanahay halkan. Waxa jiray hadal-hayn bdan oo mustaqbalkayga ah, laakiin halkan ayaan joogaa hadda. Damacaygu waa in aan halkan guulo ku gaadho, in aan inta ugu badan ku dedaalo sidii aan koxodayda wax ugula guuleysan lahaa.”
Kaddib Heshiiska Bukayo Saka, Arsenal ayaa u dhaqaaqday sidii ay heshiis cusub uga saxeexi lahayd laacibka kale ee da’da yar ee Reiss Nelson oo qandaraaskiisu ku egyahay bisha June ee foodda inagu soo haysa.