
Arsenal ayaa ku qasban inay sare u qaado qarashkeeda si ay ula soo wareegto weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus .
Daily Mail ayaa sheegeysa in Arsenal ay horay u soo bandhigtay qiimo dhan 30 milyan ginni oo ay ku dooneyso xiddiga reer Brazil.
Laakiin city ayaa soo diiday dalabkaasi kuwaas oo raadinaya lacag ku dhow 50 milyan ginni.
Maamulaha Gunners Mikel Arteta ayaa weli rajo ka qaba inuu dhameystiro u dhaqaaqista bartilmaameedkiisa ugu sarreeya.
Wakiilka Gabriel ayaa todobaadkan u joogay London wadahadalo suuqa kala iibsiga ah.
Be the first to comment