Arsenal oo ku guuldareysatay inay 76 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga Napoli Victor Osimhen.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dalab €90m (£76m) ka gudbisay Victor Osimhen oo Napoli laga soo diiday.

23-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay kooxdiisa talyaaniga intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 18 gool, waxaana uu diiwaan geliyay lix caawin 32 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Dhanka kale, xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa dhaliyay 28 gool, waxaana uu caawiyay sagaal gool 62 kulan oo uu u saftay Napoli tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda Lille ee Faransiiska bishii Sebtembar 2020.

Osimhen ayaa wali wax ka badan 3 sano uga harsan tahay inuu qandaraaska uu kula joogo Naples ku sii socdo, balse waxaa jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa isbuucyadii lasoo dhaafay, iyadoo kooxo badan la rumeysan yahay inay doonayaan inay lasoo saxiixdaan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Manchester United ayaa sii wadata xiisaha ay u qabto xiddiga reer Nigeria, iyadoo Red Devils aysi xor ah ku waayi doonto Edinson Cavani , halka Anthony Martial uu isna bixi karo xagaagan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*