Arsenal oo kula tartameysa Leicester City saxiixa Celtic Odsonne Edouard’

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku qasban tahay inay u dagaalantosaxiixa weeraryahanka Celtic Odsonne Edouard xagaagaan.

Iyadoo Gunners loo maleynayo inay ku dhowdahay heshiis cusub oo ku saabsan Folarin Balogun , labo weeraryahan oo kala ah Eddie Nketiah iyo Alexandre Lacazette ayaa qarka u saaran inay galaan sanadka ugu dambeeya qandaraasyadooda Emirates.

Inkasta oo uu dhaliyay laba gool oo uu ku muujiyay kulanka Sheffield United, Lacazette ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu ka tagayo Arsenal xagaaga, ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.

Edouard ayaa la sheegay inuu u yahay saxiix macquul ah Gunners, laakiin sida laga soo xigtay The Telegraph , Leicester ayaa sidoo kale u tartameysa saxiixa xiddigii hore ee Paris Saint-Germain.

Edouard ayaa la soo shaqeeyay tababaraha haatan ee kooxda Foxes Brendan Rodgers intii uu joogay Waqooyiga Irishka wakhtigii Celtic, sidaa darteed Leicester ayaa la rumaysan yahay in ay aaminsantahay in ay ku jiraan boos ka adag Arsenal si ay u helaan 23 jirkan xagaagan.

Kooxo badan oo aan la magacaabin oo reer yurub ah ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku raad joogaan saxiixa Edouard, kaasoo dhaliyay 20 gool 34 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, qandaraaskiisa haatan ee Celtic ayaana dhacaya xagaaga soo aadan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*