Home Suuqa Kala iibsiga Arsenal oo lacag Waali ah ku bixinaysa si ay ula soo wareegto...

Arsenal oo lacag Waali ah ku bixinaysa si ay ula soo wareegto Julian Alvarez

0

Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso 82 milyan oo euro si ay ula soo wareegto Julian Alvarez xagaagan, laakiin Manchester City ayaan xiddiga u ogolaan doonin in uu boxo ilaa ay hesho badalkiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa doonaya inuu ka tago Etihad Stadium, inkastoo Arsenal ay jeceshahay ciyaaryahanka, heshiisku wuxuu noqon doonaa mid aad u adag maadaama City ay dooneyso inay iska ilaaliso inay ka iibiso koox ay ku xafiiltamaan horyaalka.

Waxa intaas dheer in kooxda Pep Guardiola ay qorsheysay wadahadalo degdeg ah oo ay la yeelatay wakiilka xiddiga si ay mustaqbalkiisa xal ugu helaan.

Weeraryahankii hore ee River Plate ayaa 54 kulan u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 19 gool, laakiin mar walba waxa uu ka dambeeyay Haaland.

Paris Saint-Germain iyo Atletico Madrid ayaa labaduba xiiseynaya 24-sano jirkaan, halka Arsenal aysan weli wax ka weydiinin ka samayn xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here