Home Warar Ciyaaraha Maanta Arsenal Oo Lagu Wargaliayay Laba Sabab Oo Ayna Ugu Guulaysan Doonin Champions...

Arsenal Oo Lagu Wargaliayay Laba Sabab Oo Ayna Ugu Guulaysan Doonin Champions Legaue

0

Arsenal ayaa mar kale ugaarsi ugu jirta Premier League – laakiin Owen Hargreaves ayaa aaminsan inay wakhti hore tahay in Arsenal loo saadaaliyo ku guulaysiga champions League.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah ka ciyaari doonta tartanka champions League iyada oo Gunners ka mid tahay kooxaha ugu cad-cad in ay gaadho final-ka tartanka.

Si kasta ha ahaatee Hargreaves ayaa aaminsan in ay Arsenal wali wax barasho uga dhimantahay tartanka champions League.

“Waxa aan qabaa in ayna wax khibrad ah u lahayn champions League”ayuu Hargreaves yidhi.

“Ma arko xiddigo badan oo tartanka horay uga soo ciyaaray marka laga reebo Jorginho iyo Gabriel Jesus”.

“Aniga ayaan labada sabab ee ayna Arsenal ugu guulaysan doonin champions League waa khirbad la’aan iyo waliba in ayna haysan xiddigo kayd ah oo fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here