Home Horyaalka Ingiriiska Arsenal oo lagu Xamayo Xidiga Kooxda Inter Milan Christian Erisken

Arsenal oo lagu Xamayo Xidiga Kooxda Inter Milan Christian Erisken

0
Photo/Reuters

Manchester United iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay inay bixiyaan 27 milyan ginni si ay uga soo jiitaan kubadsameeyaha reer Denmark Christian Erisken inuu ka tago San Siro bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Spurs ayaa xor u ah inuu ka tago San Siro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, isagoo ku dhibtooday inuu boos helo tan iyo markii uu ka yimid Spurs horaantii sanadkan.

Xidiga Danmark ma sameynin wax gool ah ama caawiye sideed kulan oo heer kooxeed ah xilli ciyaareedkan, halka uu ku guuleystay inuu shabaqa soo taabto kaliya afar jeer iyo seddex caawin 34 kulan oo uu u saftay Inter tan iyo markii uu yimid.

Arsenal iyo Man Utd ayaa labaduba lagu tiriyaa inay xiiseynayaan kubadsameeyihii hore ee Tottenham, kaasoo ka qeyb qaatay 69 gool iyo 89 caawin 305 kulan uu u ciyaaray kooxda ka dhisan London intii u dhaxeysay 2013 iyo 2020.

Sida laga soo xigtay Tuttosport, kooxda Inter Milan ee Talyaaniga ayaa ku wargalisay labada kooxood ee Premier League inay dalab 27 milyan oo ginni ah ay ku filnaan doonto helitaanka Erisken.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here