Home Horyaalka Ingiriiska Arsenal oo loo sheegay inay jabiso bangiga si ay ula soo saxiixato...

Arsenal oo loo sheegay inay jabiso bangiga si ay ula soo saxiixato 23 jir daafaca reer Spain ah

0

Arsenal iyo Man Utd ayaa lagu soo waramayaa inay ku wargeliyeen kooxda La Liga ka dhisan ee Villarreal inay ku qaadanayaan € 50m (£ 45m) daafaca dhexe ee reer Spain Pau Torres-

Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay kooxo dhowr ah oo xiiseynaya inay la soo wareegaan 23 jirkaan daafaca ah oo ay wehliyaan Real Madrid iyo Barcelona.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Los Blancos ay tahay kooxda ugu cadcad helitaanka adeega Torres, si kastaba ha ahaatee, Arsenal iyo Man Utd ayaa sidoo kale wali raadinaya soo xerogalinta 23 jirkaan.

Si kastaba ha noqotee, waxaa lagu soo waramayaa in Villarreal aysan dooneynin inay fasaxdo xiddiga reer Spain ilaa iyo inta qandaraaskiisa lagu burburin karo.

Taasi waxay la micno tahay inay Arsenal ka dhigeyso daafaca dhexe saxiixiisa afaraad ee ugu qaalisan, iyadoo ay weheliyaan Thomas Partey oo ka dambeeya kaliya Nicolas Pepe iyo Alexandre Lacazette

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here