Arsenal oo Manchester United ku hogaaminayso Tartanka loogu jiro saxiixa Daafaca dhexe ee kooxda Ajax Lisandro Martinez

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Manchester United ku hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Ajax Lisandro Martinez inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

24-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed xoogan kusoo bandhigay kooxdiisa Holland intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo dhaliyay hal gool islamarkaana caawiyay afar gool 36 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Mustaqbalka Martinez ayaa ahaa mawduuc aad loo hadal hayay todobaadyadii u dambeeyay, iyadoo labada kooxood ee Arsenal iyo Man United la sheegay inay doonayaan inay keenaan Premier League xilli ciyaareedka 2022-23.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Man United ay diyaarinaysay dalab 40 milyan ginni ah oo ay ku doonayso xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina, iyadoo u aqoonsanaysa inuu yahay bartilmaameedkooda ugu horreeya ee daafaca dhexe, ka dib markii ay waayeen heshiis ay kula soo wareegayaan saaxiibkiis Jurrien Timber.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano, xiisaha Arsenal ayaa aad u horumarsan, iyadoo Erik ten Hag kooxdiisa ay haatan diirada saarayaan sidii ay heshiisyo ugu heli lahaayeen Frenkie de Jong ee Barcelona iyo kan Feyenoord Tyrell Malacia.


Astaamaha ay Xaqiijiyeen Bulshada

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*