Arsenal oo miisaamaysa u dhaqaaqida Eintracht Frankfurt ee Djibril Sow?

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Eintracht Frankfurt Djibril Sow.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland ayaa haatan ku maqan dalkiisa Koobka Adduunka 2022, halkaasoo uu qolka labiska kula wadaagay kabtanka Gunners Granit Xhaka .

Sow ayaa ka tagay BSC Young Boys sanadkii 2019 si uu ugu biiro Frankfurt, wuxuuna ahaa awood u horseeday hanashada koobka Europa League sanadkii hore isagoo dhaliyay hal gool iyo seddex caawin 12 kulan oo qaarada ah.

25-sano jirkaan ayaa weli ciyaaryahan muhiim ah u ah Die Adler xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo u saftay 24 kulan tartamada oo dhan isagoo dhaliyay labo gool Bundesliga.

Sow ayaa kaliya qandaraas kula jira Frankfurt ilaa xagaaga 2024, taasoo la micno ah in kooxda heysata Europa League ay cadaadis ku saari karto inay iibiso sanadka soo socda hadii uusan cusbooneysiinin qandaraaskiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*