Arsenal oo Qardaraaska uu kordhinaysa William Saliba .

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay horumar wanaagsan ka samaynayso wadahadalada heshiis kordhinta ee daafaca William Saliba .

Inkasta oo uu ku biiray Gunners 2019, Saliba wali uma soo muuqan qaab tartan ah kooxda Mikel Arteta , isagoo waqti amaah ah ku qaatay St Etienne, Nice iyo Marseille .

Inkastoo Marseille ay qarka u saaran tahay inay dalab ka gudbiso daafaca dhexe, Saliba ayaa horey u muujiyay rabitaankiisa ku aadan inuu baaqi kusii ahaado Emirates Stadium uuna u dagaalamo booskiisa.

Arteta ayaa sidoo kale tilmaamay in Saliba uu door ku yeelan doono kooxda Arsenal xilli ciyaareedka 2022-23.

Iyadoo Saliba lagu daray qorshaha Arteta ee xilli ciyaareedka soo socda, sida laga soo xigtay Chris Wheatley , wadahadaladu waxay durba bilaabeen wadahadalo ku saabsan kordhinta qandaraaska Saliba ee hadda, kaas oo lagu wado inuu dhaco 2024.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*