Home Horyaalka England Arsenal oo Qorshe Macquul ah u diyaarisay Xidiga Marc Guehi ee Kooxda...

Arsenal oo Qorshe Macquul ah u diyaarisay Xidiga Marc Guehi ee Kooxda Crystal Palace

0

Arsenal ayaa ku jirta tartanka loogu jiro saxiixa Marc Guehi xagaagan, waxaana ay rajeynayaan inay heshiis la gaaraan Crystal Palace iyagoo u soo bandhigaya Eddie Nketiah si ay u helaan daafaca dhexe.

Guehi ayaa dirada u saaran kooxaha ugu waaweyn premier League kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay tartankii Euro 2024.

Kadib qaab ciyaareedkiisii tartanka Euro 2024, Guehi ayaa laga yaabaa in uu ku biiro koox weyn iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo premier League.

Xiddiga ayaa xiiso ka haleya kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man United waxana uu kooxda Crystal Palace kula jiraa heshiis ilaa sanadka 2026 ah.

Sida laga soo xigtay wargayska Sunday Sport, Arsenal ayaa Crystal Palace u soo bandhigaysa saxiixa xiddiga Nketiah si uu qayb uga noqdo heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here