Arsenal oo qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Istanbul Basaksehir

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay hesho adeega xiddiga khadka dhexe ee Istanbul Basaksehir Berkay Ozcan.

Kubadd sameeyaha 22 jirka ah ayaa si joogto ah ugu biiray Basaksehir intii lagu jiray suuqii xagaayga, isagoo xilli ciyaareedkii 2019-20 amaah kula qaatay kooxda reer Turki ee Hamburger SV.

Ozcan wuxuu fure u ahaa kooxda Okan Buruk intii lagu guda jiray ololahan haatan socda, isagoo durba ciyaaray 15 kulan tartamada oo dhan oo ay ku jirto shan kulan oo Champions League ah.

Sida laga soo xigtay Transfermarkt, 22 jirkaan khadka dhexe ee qaab ciyaareedka wanaagsan xilli ciyaareedkan ayaa soo jiitay indhaha Arsenal.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in kooxda ka dhisan Waqooyiga London ay raadineysay Ozcan sanadkii 2017 markii uu u ciyaarayay kooxda Jarmalka ee Stuttgart isla markaana uu haatan isku dayi karo inuu keeno garoonka Emirates.

Xidiga wuxuu heshiis kula jiraa kooxdiisa Istanbul ilaa June 2024, waxaana kooxda reer Turkey la rumeysan yahay inay ku qiimeyneyso 24 milyan ginni.

Dhanka kale, xiddiga khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Yves Bissouma ayaa lagu soo waramayaa inuu si lama filaan ah diirada ugu saaray kooxaha waa weyn ee Premier League ee Arsenal iyo Liverpool.

Bissouma wuxuu ku jiraa ololihiisii ​​seddexaad garoonka Amex, isagoo ciyaaraya wadar ahaan 66 kulan tan iyo markii kooxdu ay u gudubtay heerka koowaad ee Ingariiska.

Inkastoo 24-sano jirkaan marwalba loo arkin inuu yahay dooqa koowaad ee khadka dhexe ee kooxda Seagulls, hadana laacibka reer Mali wuxuu soo saaray qaab ciyaareed indho qabad leh.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, Liverpool iyo Arsenal ayaa isha ku haya horumarka Bissouma bilihii la soo dhaafay.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*