Arsenal oo qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa Xidiga kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dooneysa inay la soo wareegto Weeraryahanka Christopher Nkunku sanadka soo socda.

23 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Jarmalka intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay sagaal gool, waxaana uu diiwaan geliyay shan caawin 13 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Nkunku ayaa weli waxaa u harsan saddex sano si uu u sii wado heshiiskiisa haatan, laakiin waxaa dhawaanahan la isla dhex marayay mustaqbalkiisa, iyadoo la sheegay in kooxo dhowr ah ay il gaar ah ku hayaan horumarkiisa.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Arsenal ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga reer France inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan, iyadoo tababaraha Gunners Mikel Arteta uu aad ula dhacsan yahay tayadiisa.

Xidigii hore ee xulka qaranka France ee 21 jirada ayaa dhaliyay 21 gool waxana loo diwaan galiyay 32 caawin 97 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Paris Saint-Germain bishii July 2019.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*