Arsenal oo Sara u Qaaday Dalabka ay ku doonayso daafaca Ajax Lisandro Martinez.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay sare u qaadayso dalabka ay ku doonayso daafaca Ajax Lisandro Martinez.

24-sano jirkaan ayaa 36 kulan u saftay Ajax xilli ciyaareedkii hore, isagoo ka caawiyay kooxdiisa inay sii xajisato horyaalka Eredivisie, iyadoo qaab ciyaareedkiisa ay xiiso u qabaan Manchester United iyo Arsenal.

Kooxda Mikel Arteta ayaa u aqoonsatay Martinez inuu yahay bartilmaameedkooda ugu sarreeya ee daafaca , waxaana lagu soo waramayaa inay horay u soo bandhigeen dalab 25 milyan ginni ah oo markii dambe la diiday.

Sida laga soo xigtay Express , Gunners ayaa xiriir cusub la sameysay wakiilada Argentine, waxaana ay weli wadahadal la leeyihiin kooxda heysata horyaalka Holland oo ku saabsan suurtagalnimada heshiis, iyagoo isku diyaarinaya inay soo gudbiyaan dalab la hagaajiyo.

Ajax ayaan dooneynin inay iska iibiso Martinez, iyadoo horey uga iibisay Ryan Gravenberch iyo Noussair Mazraoui Bayern Munich, si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay soo bandhigto dalab 40 milyan ginni ah.

Xiddiga reer Argentine, oo qandaraaskiisa haatan uu ku eg yahay 2025, ayaa in ka badan 100 kulan u saftay Ajax, isagoo dhaliyay lix gool mudadaas.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*