Arsenal oo seegi doonta saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ligue 1 ka ciyaara

Arsenal ma aysan awoodin inay heshiis la saxiixato Houssem Aouar xagaagii lasoo dhaafay.

Gunners ayaa si xoogan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso da ‘yarka Lyon, kaasoo umuuqday inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee tababare Mikel Arteta.

Waxaa jiray dalab miiska la saaray, oo ku kacaya 35 milyan oo ginni sida ay ku warameyso The Guardian, laakiin guddoomiyaha kooxda Faransiiska, Jean-Michel Aulas, ayaa bartiisa Twitter-ka ku diiday dalabkaas, isagoo ku adkeysanaya inaysan la kulmin qiimaynta laacibka reer France.

Xaqiiqdii, Houssem wuxuu udub dhexaad u ahaa Lyon, isagoo kasoo muuqday 145 kulan oo uu u saftay kooxda, wuxuu u dhaliyay 26 gool, wuxuuna dhigay 28 caawin.

Wuxuu kabtan u ahaa Lyon ololahan, guuldarradii 2-1 ee ka soo gaartay Montpellier, waxaana haatan u muuqata inay Arsenal halis ugu jirto inay isaga lumiso gabi ahaanba.

Sport Witness ayaa xambaarsan warbixin dhowaan kasoo baxday Calciomercato, iyadoo sheeganeysa in Juventus ay diyaarineyso heshiis macquul ah.

Aouar waxaa aad ula dhacsan tababaraha Bianconeri Andrea Pirlo kaasoo jeclaan lahaa inuu laacibkan keeno Italy.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*