Home Warar Ciyaaraha Maanta Arsenal oo Shaacisay Oleksandr Zinchenko lanbarka uu xiran doono

Arsenal oo Shaacisay Oleksandr Zinchenko lanbarka uu xiran doono

0

Arsenal ayaa xaqiijisay in daafaca bidix ee Oleksandr Zinchenko uu xiran doono lambarka 17-aad xilli ciyaareedka soo socda.

Zinchenko ayaa soo xidhay 35 3-dii xilli ciyaareed ee ugu horeeyay xirfadiisa Arsenal isaga oo isla maaliyadaas gacanta loo galiyay wakhtigii uu joogay kooxda Man City, Laakiin xiddiga ayaa haatan qaadan doona No.17.

Funaanaddaas waxaa lahaa Cedric Soares shantii sano ee ugu dambeysay, laakiin ka bixitaankii daafaca midig ee bilowgii xagaagan ayaa u ogolaatay Zinchenko in uu qaato maaliyada.

“Lambarka 17 waa lambar gaar ah aniga,” ayuu u sheegay warbaahinta kooxda.

“Waxa uu ahaa lambarkii aan xidhay markii aan da’yarka ahaa, mar walba waxa aan dalbanayay in aan qaato lambarka No.17 markii aan u ciyaarayo xulkayga hadana waxa aan helay Lambarka maadama uu Cedric ka tagay kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here