Home Warka Xiisaha Leh Arsenal Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Granit Xhaka Oo kasii Huleelaaya...

Arsenal Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Granit Xhaka Oo kasii Huleelaaya Emirates Stadium

0
Ad

Kooxda kubadda cagta Arsenal waxay iskaga hadhay ku tartanka horyaalka Premier League oo Axadda la guddoonsiin doono Manchester City, laakiin tababare Mikel Arteta ayaa bilaabay qorshaha dibu-habaynta kooxdiisa oo uu ka diri doono ciyaartooyo dhawr ah, kuwo kalena uu kusoo xoojin doono.

Toban ciyaartoy ayaa la sheegay in Arsenal ay u diyaarisay in ay iibiso marka uu furmo suuqa iibku, si tababare  Mikel Arteta uu u helo lacag gaadhaysa £200 milyan oo Gini oo uu kaga adeegto suuqa ciyaartoyda.

Ad

Xiddigaha ay Arsenal ogolaatay inay suuqa dhigo ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa aan muhiimka ka ahayn kooxda koowaad ee laga maarmi karayo, waxaana ku jira kabtan ku-xigeenka oo ah Granit Xhaka oo iskii u gaadhay go’aan ah in uu iskaga tago Emirates Stadium.

Xhaka oo ay da’diisu tahay 30 jir, ayaa waxa qandaraaskiisa ka hadhay hal sano, laakiin ma doonayo in uu dhamaysto waqtigiisa, waxaanu u bixi doonaa horyaalka Bundesliga oo ay ka doonayso Bayer Leverkusen.

Sida uu ku warramayo wariyah ciyaaraha ee Pletterberg, Arsenal ayaa waxay go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso Granit Xhaka, waana €15 milyan oo Euro oo aanay wax wada-xaajood ah ka gelaynin.

Gunners ayaa khadka dhexe kusoo kordhin doonta ciyaartooyo cusub, waxaanay si weyn u doonaysa Declan Rice iyo Moises Caicedo oo u dheela kooxaha West Ham iyo Brighton.

Previous articleSadio Mane oo la sheegay in aanu wax mustaqbal ah ku lahayn Bayern Munich oo ay uga dhamaatay
Next articleReal Madrid oo Dalab Rasmi ah Ka Gudbinaysa Jude Bellingham

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here