Arsenal oo soo Afjartay heshiiska Gabriel Jesus

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dhameystirtay heshiiska weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus.

Mikel Arteta iyo Edu ayaa mudnaanta siiyay saxiixa weeraryahan cusub suuqa xagaaga kadib markii ay ka tageen Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Eddie Nketiah ayaa si xoogan u soo gabagabeeyay xilli ciyaareedkii 2021-22 isaga oo dhaliyay shan gool todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League waxana lagu abaalmariyay heshiis cusub oo wakhti dheer ah dadaalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa la filayay inay raacdo lambar cusub oo sagaal ah iyadoon loo eegin go’aanka qandaraaska ee Nketiah, Jesus ayaana ahaa bartilmaameedka kooxda dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Todobaadki hore waxaa soo baxay warar sheegaya in heshiis 45 milyan ginni ah ay labada kooxood ku heshiiyeen, iyadoo Man City ay wali wado gorgortan adag inkastoo xaqiiqda ah in Jesus uu noqon doono wakiil xor ah 2023.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*